Markab sida in ka badan 3000 qaxooti oo kusoo xirtay dekedda Boosaaso: SAWIRRO

Bulsha:- In ka badan 3500 qaxooti isugu jira Soomaali iyo Yemaniyiin ayaa soo gaaray degmadda magaalada Boosaaso shalay gelinkii danbe, kuwaasi oo kasoo cararay dagaalada ka socda dalkaasi Yeman.


Markab sida qaxootigan oo kasoo ambabaxay dekadda Mukalla ayaa waxay ku qaadatay inuu soo gaaro dekadda Boosaaso dhowr maalmood sababo la xiriira badda oo aan deganeyn.

Qaxootigan ayaa u badan Haween, Caruur iyo dhalinyaro, iyadoo ay ku jireen dad waayeel ah oo cuduro kala duwan qaba.aarka.

Dadka xaaladoodu liidatay ayaa la geeyay xarumaha caafimaadka si gargaar loogu fidiyo.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku sugan qaxooti fara badan, iyadoo in badan qaxootiga Yeman u dhashay dib u dejin loogu sameeyay degmada Qardho ee gobolka Karkaar.



_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment