Bulsha:- Deegaanka Yaaqbari-weyne ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa Xalay isaga baxay Ciidamada Dowladda Federaalka Iyo kuwa Midowga Africa ee Amisom.
Ciidamada Uganda oo ah kuwii ku sugnaa Deegaankaas ayaa waxay fiidnimadii xalay bilaabeen inay isaga baxaan Deegaanka Yaaqbari-weyne, iyadoo ilaa iyo hadda aan la’ogayn Sababta Dhabta ah ee ka Danbeysa . Yaaqbari-weyne waxay ka tirsan tahay Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelada Hoose.
Ciidan yar oo ka tirsanaa Militariga Soomaaliya oo Ciidamada Uganda ku wehlinaayay Deegaankaasi, ayaa la soo sheegayaa inay iyaguna isaga baxeen, markii ay o gaadeen in Goobtii lagu Faarujiyay.
Isla Saqdii dhexe ee Xalay ayaa waaxaa goobta soo gaaray Ciidamo aad u hubaysan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab, waxayna xarumo ka samaysteen goobihii ay ka baxeen Ciidamada Huwanta.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment