Bulsha:- Iyadoo ay Maleeshiyada Al-shabaab barta internet-ka ku soo bandhigeen Meydad iyo sanad Malitari oo ay ka qabsadeen ciidamada AMISOM Leego, ayaa waxaa soo baxaayo hanjabaado kala duwan oo ay jeedinayaan DF iyo Beesha caalamka.
Max’ed Cabdi Xayir Maareeye oo ah Wasiirka Warfaafinta xukuumada Somalia, ayaa ku goodiyay in DF Somalia iyo Dowladaha is baheysta ay Maleeshiyada Al-shabaab ka aargoosan doonaan duulaankii Leego oo ay ku dileen Ciidamo iyo Saraakiil ka tirsan AMISOM.
Waxa uu sheegay inay qaadi doonaan talaabo u dhiganta tan ay qaaden Al-shabaab, waxa uuna carabka ku dhuftay in talabadaasi jawaabteeda ay noqon doonto duqeyn cirka ah oo nabar ku noqon doonto Al-shabaab, sida uu hadalka u dhigay.
Wasiir Maareeye ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalkii ka dhacay deegaanka Leego Al-shabaab qudhooda looga dilay in ka badan 100-dagaalyahaano balse ay qarsanayaan jabkooda.
Dhanka kale, waxa uu cadeeyay in dadka kaliya ay u muuqaneyso Meydadka AMISOM oo ay Al-shabaab soo bandhigeen, taasina aysan ka turjumeynin in dagaalka aan lagu dilin Dagaalyahaano ka tirsan Al-shabaab.
Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo isa soo taraya,ayaa maalmihii u danbeeyay ka jiray deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose.
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment