Obama oo waji ka duwan kii Kenya kala kulmay Ethiopia!

Bulsha:- Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ku guda jira lugtii labaad safar uu ku marayo Bariga Afrika, isagoo shalay gelinkii dambe gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Obama ayaa labo maalin booqasho ah ku joogay dalka Kenya oo uu aabihii ka soo jeedo, waxaana lagu wadaa in maalinta berri oo Talaado ah inuu khudbad ka jeediyo Xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.

Madaxweyne Obama ayaa kala hadli doona Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalagn arrimaha ammaanka, ganacsiga, musuq maasuqa iyo arrinta xuquuqda aadanaha.

Xisbiga EPDRF ayaa dhowaan ku guuleystay dhamaan kuraasta Baarlamaanka, iyadoo aanay mucaaradka wax kursi ah ka helin.

Arrimaha ugu weyn ee Obama kala hadli doono Itoobiya waxaa ka mid ah xoriyada dimoqraadiyada, sidoo kale arrimaha ammaanka iyo la dagaalanka Argagixisada ayay ka wada hadlayaan.

Mareykanka iyo Itoobiya ayaa muddo dheer waxay iskaashi ka lahaayeen la dagaalanka Argagixisada, waxaana kumanaan Ciidamo Itoobiyaan ah ay ku sugan yihiin Koofurta Soomaaliya.

Khudbada uu maalinta berri ka jeedinayo Xarunta Midowga Afrika waxaa uu kaga hadli doonaa colaada dalka Koofurta Sudan.

Waa markii ugu horeysay ee Madaxweyne Mareykan ah oo xafiiska haya uu Itoobiya booqdo, waxaana uu Obama noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyey ee Mareykan ah ee khudbad ka jeediya xarunta Midowga Afrika.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment