Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo soo Gaaray Caasimadda Muqdisho (SAWIRRO)

Bulsha:- Waxaa Saaka aroortii magaaladda Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha cusub ee Maamul Goboleedka Galmudug Mudane: Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo wafdi uu hogaaminaayo, wafdigii uu hogaaminayay Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee Galmudug mudane Cabdi Qaybdiid iyo xubno kaloo ka tirsan Maamulkaasi.

Wafdigan Waxaa si diiran garoonka diyaaradaha ugu soo dhaweeyay Masuuliyiin katirsan Dowlada Federaalka ee Soomaaliya, Waxgarad , Siyaasiyiin iyo qeybo kamid ah bulshada rayidka.


Madaxweynaha Galmudug oo Saxaafadda kula hadlay Garoonka Diyaaradaha Aadan cade ayaa sheegay inuu u yimid Muqdisho inuu wadatshi la sameeyo Madaxda Dowladda, iyo ka qeybgalka Shirar loo qaban doono Maamul Goboleledyada dalka ka jira oo looga hadlayo Arrimaha Hiigsiga 2016.

Dhawaan ayaa Magaalada Cadaado lagu caleemo saaray Madaxweynaha Cusub Maamulka Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed , waxaana Madaxweynaha qeyb ka noqon doonaa shir la filayo in Muqdisho ku yeeshaan dhawaan Madaxda Dowlada Federaalka iyo Maamul Goboleedyada hoosyimaada Dowlada.





_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment