Mareykanka oo ka hadlay Mowqifkiisa ku aadan dhismaha darbiga Kenya

Bulsha:- Dowlada Mareykanka ayaa ka hor imaaday go’aanka ay Dowlada Kenya ku dhiseyso darbiga weyn ee laga hirgalinaayo Xadka Somalia ay la wadaagto Kenya.

Robert Godec oo ah Ambaasadorka Dowlada Mareykanka uga wakiilka ah dalka Kenya ayaa sheegay in dowladiisu ay kasoo horjeedo dhismaha darbigaasi.

Mr Robert Godec ayaa hadalkaani sheegay xili uu dhismaha safaarada kula hadlaayay Warbaahinta Kenya waxa uuna gaashaanka ku dhuftay in marnaba aysan ogolaan doonin in Kenya ay xadgudub ku sameyso Xadka Somalia, waxa uuna carabka ku dhuftay in Dowlada Kenya ay ka dheereyneyso guuxeeda.

Waxa uu tilmaamay in qaabka ugu wanaagsan ee looga hortegayo cabsida Alshabaab tahay in la kordhiyo ilaaladda laga hayo xuduudka, balse uusan aaminsaneyn in darbiga la dhisaayo uu wax ka bedelaayo amaan darida Kenya ka taagan.

“Kenya waa inay kordhiyaan Ilaaladda Xuduudka Somalia, halkii ay ka door bidi lahaayeen dhismaha derbiga oo aad qaali u ah, waayo waxaan aaminsanahay in dhismaha darbigaasi uusan waxba ka bedeli doonin dhibka hadda taagan”

Haddalka Ambaasador Robert Godec, ayaa imaanaya xili Dowlada Kenya ay kusii adkeysaneyso dhismaha darbiga Xadka kaasi oo ay ku dhul balaarsaneyso.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment