Bulsha:- Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta loo dalacsiiyay darajada Sareeya Gaas,kaddib digreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweeynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Munaasabada lagu dalacsiiyay Taliyaha ciidanka booliska ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan labada gole ee dawlada Soomaaliya, saaraakiisha ciidamada booliska, AMISOM, kooxda baanbayda ciidanka booliska iyo qaybaha bulshada.
Wasiirka Amniga gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa munaasabada ka akhriyay wareegtada lagu dalacsiiyay Taliyaha ciidanka booliska, waxaana uu yiri
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, markii uu arkay Qodobka 87aad, farqadda 1aad Xaraf “C” iyo farqadda 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Markuu arkay Qodobka 90aad, Xarafka “B” ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Markuu arkay sharci Lambar 2 ee soo baxay 23/12/1973 kuna saabsan dhismaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, Markuu tixgeliyay soo jeedinta ee Wasiirka Amniga ee ahaa in la dalacsiiyo hal darajo, markuu uu garwaaqsaday mudnaanta uu sargaalkani mudanyahay in ka ladalacsiiyo,waxa uu soo saaray xeerkan uu ku dalacsiinayo Maxamed Sheekh Xasan Xaamud in uu u dalacsiiyay darajada Sareeya Gaas, waxaana marqaati ka nahay in garaadda lagu dalacsiiyay uu taliyuhu heli doono” ayuu yiri Wasiirka Amniga gudaha.
Maxamed Sheekh Xasan Xaamud horay waxuu u soo noqday wasiirka gaashandhigga xukuumadda hore ee Cabdiweli Sheekh,marka oo lugu guulaystay in la siyaadiyo tababarrada ciidamada.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom

Blogger Comment
Facebook Comment