Sterling oo Galabta Tijaabo Caafimaad u Maraya Manshester City

Bulsha:- Garabkii Liverpool Raheem y ayaa galabta tijaabada caafimaad u mari doona kooxdi £49 ka milyan oo pound ee Manchester City.

Sida ay qortay jariirada Daily Star da’yarka England ayaa goordhaw u duulaya Manchester waxaana la filayaa in maalinta beri ah ay ku dhawaaqaan City in hesiiska Sterling la dhameystiray.

Brendan Rodgers ayaa sida aan kal hore idiin soo gudbanayba meesha ka saaray inuu xiriir xun kala dhexeeyo Raheem Sterling isagoo waliba iibkiisa ku tilmaamay mid wanaagsan.

Sterling ayaa qarka u saaran inuu ugu daneyn ku guuleysto dagaal adag oo dhexmaray isaga iyo Liverpool isagoo waliba si aan wanaagsaneyn kaga tagaya kooxdii soo garab qabatay ee Liverpool.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment