Madaxwayne Gaas oo Nairoobi Gaadhay iyo Axmed Madoobe oo ilaa hada……

Bulsha:- Madaxwaynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa gaadhay goordhaw ka dhoofay Magaalada Garowe wuxuuna u jahaysatay dhanka Magaalada Nayroobi oo sidii aan wararkii hore ku sheegnay loga yeedhay isag iyo Madaxwyanaha Maamulka Jubbaland.



Gaas intii uuna ka anbo bixi Garoonka Magaalada Garowe ayuu sheegay in Kenya uu u tagayo hawlo ma Xidhiidh hormarinta deegaanada Puntland,sidoo kalena wuxuu sheegay in Kenya uu doonayo in ay xaqiijyo Xidhiidhka Maamulka Puntland iyo Dowladda Kenya lana sii xoojiyo Xidhiidhka u dhexeeya Maamulka Puntland iyo C/Wali Gaas.


Baryahan waxaa nala joogay Madaxdii Federalka iyo  Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland oo wali Jooga Magaalada Garowe,waxaana ka wada hadalay xaalada adag ee dalka Soomaaliya uu marayo oo xiligan ah mid u baahan in laga sameeyo tashi guud isla markaan dadka Soomaaliyeed ay fahmaan qorshaha dhabta ah ee ka danbeeya Xaalada Federalka ee Sii adkaanaysa ayuu yidhi Gaas.



Madaxwayne Axmed Madoobe oo lagu waday in uu Safarka Magaalada Nayroobi ku weheliyo Madaxwaynaha Maamulka Puntland ayaa sida Muuqata ka baaqsaday wuxuuna u duulayaan Magaalada Kismaayo,iyadoo lagu wado in uu sii Maro Muqdisho,sababta ayaa lagu sheegay in Magaalada Kismaayo lagu qasbay in uu sii maro inta uuna Nayroobi aadin,maadaam Socodaalkii Puntland ee Axmed Madoobe Kismaayo looga arkayey in uu ahaan mid aan wax dan ah oogu Jirin Jubbaland.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment