Daawo : Garoowe Oo Oogsatay Gaas Oo Afka Furtay Iyo RW Sharmarke Oo Ku Dhawaaqay Goaankiisa

Bulsha:- Madaxwaynaha maamulka Puntland oo hadal ka jeediyey Munaasibada Ciida magaalada Garoowe ayaa wuxuu sheegay in Puntland ay leedahay Dawladnimo Buuxdo, wuxuuna sheegay in maamulka Cusub ee Galmudug uuna khal-khal gelin karin Puntland “Puntland Xuduudeedu waa Muqadas, Gobol iyo Badha la dhoob-dhoobayo waxba inooma dhimi karaan” Ayuu yidhi.


Dhinaca  kale  RW Cumar Cabdirashiid oo isaguna goobta ka hadlay ayaa ka hadlay Arimaha Federaalka iyo midnimada Soomaaliya wuxuu sheegay in dowladda ay aqoon san tahay Xuduudaha Puntland sidoo kalana ay la socoto xuduudaheeda oo uu sheegay in tahay mid lama taabtaan ah “waxaan idiin Cadaynayaa Puntland Xuduudaheeda iyo Jiritaankeedu waa Lama taabtaan”








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment