Haweeney 34 sanadood ku dhex nool teendho kasoo horjeedo White House

Bulsha:- Magaceedu waa Concepcion Picciotto,waa Haweeney Da’ah,waxay muddo 34 sano ah ku nooshahay Teendho yar oo ka dhisan kasoo horjeedka Aqalka cad ee looga taliyo Dalka Mareynka.

Ma waayin meel kale oo ay ku noolaato waxaase halkaas ku haya go’aan adag oo ay ku gaartay inay halkaas ku noolaato inta ay ifka ku nooshahay. Picciotto oo asalkeedi hore kasoo haajirtay dalka Spain,  waxay Qoraxda, Barafka, Duufaanada iyo Kuleylka u taagan tahay ma ahan wax ciyaar ciyaar ah. waa Muddaaharaad siyaasadeed kii ugu dheeraa ee qofi sameeyo. waxay u olololeysaa Nabadda adduunka, gaar ahaan waxay halkaas usoo taagan tahay muddadaas dheeri waa in adduunka laga joojiyo Hubka Nuclear-ka ee wax baabi’ya.

Waxaa lagu tilmaamay qof aad u adkeysi badan, haddeeroo ay gabow la dhaqaaqi la’dahay wali halkii ayey taagaan tahay ay istaagtay sanadkii 1981-kii. kama qixin kamana guurin wixii duufaano,iyo musiibooyin kale ka dhacayey dalka Mareykanka. kasokow inay hubka wax gumaada diidan tahay, ayaa sida laga fahmi karo qoraalo jeebadaha Shaatigeeda ku dhagan,waxay si aad ah ugu kacsantahay Israail, Jeebkeeda middig waxaa ka muuqda qoraal af ingiriis ah ‘Disarm Israel’ oo ka dhigan ‘hubka halaga dhigo Israaiil’.

Lugta midig ee Teendhadeeda yarna waxaa ku sawiran Calan aan u qaatay inuu yahay kan ay Falastiiniyiintu isticmaalaan, Xuruuf Carabi ah ayaa ku qoran calanka dhexdiisa,waloow aanan fahmin. Wadaaygeed William Thomas oo ay Mudaaharaadkan heer soo wadeen wuxuu isla Teendhada yar ku dhex geeriyooday bishii Jully,sanadkii 2009-kii. Hadda, waa kaligeed, waxaanse arkayey Wiil dhalinyaro ah oo hareerteeda taagan,waxay cabitaan uga soo saareysay Boorso yar oo teendhada u dhex taala,isna wuu ka diidayey. ma aqaan inay Waalid u tahay iyo inuu yahay Wiil banii’aadanimada wax ka yaqaan oo iska gargaarayey.

Picciotto,waxay Sheedda ka daawaneysay afar ka mid ah Madaxweynayaashii Mareykanka soo maray oo Aqalka cad soo galaya, hadana kasii baxaya markii ay mudda xilkoodu dhamaatay. waa Madaxweynihii 40-aad ee dalkaas, Ronald Reagan oo xukunka qabtay sanadki ay ololaha bilowday, 1981-kii, George H.Bush, Clinton, George W.Bush iyo Barak Obama oo mudada yare u hartay ay asna sii sagootintiisa Teendhadeeda ka dhex daawan doonto, haddii cimrigeedu gaarsiiyo.


Abaalmarin ay geesinimadeeda ku mudatay ayaa horey loo guddoonsiiyey. Dadka qaarkii ayaa laga yaabaa inay la yaabaan sababta Haweeneydan loogu ogolaaday inay Aqalka Cad hortiisa Teendhadaas yar ka dhisato kuna noolaato muddaadaas dheer, Akhriste ha iga wareerin, waxay ka faa’iideysatay dastuurka Mareykanka oo Xorriyadda hadalka damaanad-qaad buuxa siiyey, si kale haddii aan u dhigo wuxuu qofku xaq u leeyahay inuu aragtidiisa ama tabashadiisa hab nabadeed kusoo bandhigo. Booliska, Dowladda hoose Washington DC iyo xataa Madaxweyne midna awood uma laha inuu Haweeneydaas meesha ka eryo.

Concepcion Picciotto, waa soo halgantay,walibana nafteeda u hurtay si ay ujeedadeeda u gaarto,mase muuqato 34 sano ka dib cid wali dheg-jalaq u siineysa cabashadeeda caanka noqotay.

Qalinkii: Qasim Abdulle Nero







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment