DEG DEG AH:Xaalada Magaalada Garowe oo Meel Xun Maraysa iyo Cabsi Laga qabto in uu Dhaco+C/Raxmaan Faroole oo Gaas Fariin Culus Saxaafada U mariyey durba “TOP NEWS”

Bulsha:- Magaalada Garowe Waxaa goordhaw Gaadhay Madaxwaynihii hore ee Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole,oo ka soo duulay Magaalada Hargeysa,halkaas oo maalmahan uu u joogay tacsidii iyo geeridii ku timid Xaaskiisa,oo asal ahaan ka soo jeeda Magaalada Hargaysa.



C/Raxmaan Faroole ayaa waxaa soo dhaweeyey Kumaan dadwaynaha Magaalada Garowe ah,kuwaas oo Magaalada ka dhigay goob Mandow ah oo ayna jirin wax lagu qiyaasi karo Magaalada Garowe  manta,iyadoo Ciidamada Amaanka iyo dadwaynaha rer Garowe ay cabsi waynka qabeen xaaladaha Amaanka iyo in Kuamaanka ruux ee Soo dhawaynta ka qayb qaadanayey loogu dhexdhuunto.



“Anigu Hargaysa ayaan ka imid umana aana imanin arinta Siyaasada,Waxaan u imid Tacsi,Halka iyo Hargaysa Labadan sidas ayan u tagay Muhiimada Socodaalkaygu waa taas,Majiraan Wax kale oo aan u socdaa,Waxaan jecelahay in aan Socodaalkayga la dhibsanin,Anigu Cidna Culeys kuma ihi hadii aan laga dhiganin,waxaan idiin Sheegayaa in aad Ogaataan hadii talo la iwaydiiyo shaqsi ayaan ka ahay manta”Waxaa sidaas Sxaafada ka sheegay C/Raxmaan Faroole oo xiligaas ay hortiisa taagnaayeen Boqolaal dadwaynaha reer Puntland ah.



Wariyeyaasha ayaa Soo tabinayo in imaatinga C/Raxmaan Faroole ay Maamulka Puntland ku tahay Xaalada adag maadaam ay jirto dhaliil Xoog badan oo shacabka Puntland ay u hayaan Maamulka uu Hogaamiyo Gaas,ayna xiligan marayso Xaaladu meel halis oo deegaanadii Puntland qaar kamid ah ay sheegayaan  Maamulka Galmudug.





_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment