Bulsha:- Waxaa Xilligan magaalada Muqdisho si habsami leh uga socda Shirka looga hadlayo arimaha Soomaaliya ee Hiigsiga 2016-ka ama (New Deal), shirkan ayaa waxaa furay Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan sheekh Maxamuud.
Shirkaan oo ka socda dhismo ku yaallo Dhinaca dambe ee Xerada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka qaybgalaya wakiilo ka socda Beesha caalamka, Dowladda Federalka Somalia, Madaxweyneyaasha Maamul goboleedyada dalka qaar iyo Ergooyin kale oo badan.
Madaxweynaha Somalia oo shirka furay ayaa ka hadlay ahmiyada Dowladda Somalia ay u leedahay shirkaan maanta ka qabsoomay Magaalada Muqdisho, wuxuuna Madaxweynaha ammaanay doorka caalamka uu ka taagan yahay taageerada Dowladda Somalia.
Khudbada Madaxweynaha Somalia ayaa hada socota, Shirka waxaa shir Guddoominaya Madaxweynaha Somalia iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Nicholas Kay.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment