Gaas oo hishiis 4 qodob ah la gaaray Baarlamaanka & wasiiradiisa iyo wadahadalka oo..

Bulsha:- Waxaa wali arin aan la isku fahmin ka taagan tahay shirarka gaar gaarka ah ee u dhaxeeya madaxweynaha Puntland Jubbaland iyo dowlada Federaalka Soomaaliya oo uu matalayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali oo maalin ka hor tagay magaalada Garoowe.

Wadahadalada ayaa ahaa kuwo ay gaargaar isku arkayeen dhamaan madaxda ku kulmaya magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, waxaana arinta ay noqotay mid sii dheeraata kadib markii go’aan ay afar qodob ah ay wada gaareen baarlamaanka, golaha wasiirada iyo madaxweynaha Puntland.

Xog aan helnay ayaa sheegaysa in madaxweynaha Puntland iyo baarlamaanka iyo wasiirada uu la kulmay isku raaceen iney meel uga soo wada jeestaan dhamaan qodobada keenay khilaafka kala dhaxeeya dowlada Soomaaliya.

Waxyaabaha la isla gartay waxaa kamid ah

1 inaan laga laaban diidmada maamulka Galmudug

2 ineysan aqoonsan gudiyada kala duwan ee ay dowlada Soomaaliya dhistay

3 Ineysan ka qeyb galin shirka Muqdisho ilaa khilaafka laga dhameeyo

4inaan la tageerin kala dirida baarlamaanka Jubbaland.

Qodobadaasi ayaa caqabad kale ku noqon kara sii socoshada wadahadalka u dhaxeeya dowlada Soomaaliya iyo maamul goboleedyada is xulufeysanaya.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment