DAAWO:- Dowladda Soomaaliya oo dayactir ku sameynaysa Hotel Curaba

Bulsha:- Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dib loo dayactirayo Hotel Curaba oo burbur baahsan uu kasoo gaaray dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Hotel Curaba oo ka mid ahaa hoteeladii ugu caansanaa magaalada Muqdisho berisamaadkii ayaa waxaa la qorsheeyay in dowladda ay dib u dayactirto si loo dejiyo wafuuda caalamiga ah iyo dalxiisayaasha.

Wasiirka warfaafinta iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo ay wehliyaan injineeradii dhisi lahaa hotelka ayaa kormeer u guur gelid ah ku tegay dhismaha hotelka oo burbur baahsan uu ka muuqdo, iyadoo ay sameeyeen qiimeyn iyo u guurgalid.

“Hotelka Curuba dowladda waxa ay dooneysaa  in dib u dayactir lagu sameeyo, si loogu qabto shirarka muhiimka ah, laguna soo dhaweeyo dalxiisayaasha, waxaana sidoo kale la sameynayaa meel ay ku soo xirtaan doonyaha dalxiiska, runtii Hotelkan waxa uu marti gelin doonaa madaxda caalamka ee soo booqata dalka, hotelkan ahmiyad weyn ayuu ugu fadhiyaa dowladda Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Maareeye. 












_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment