Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in dhawaan Muqdisho lagu qaban doono shir Caalami ah

Bulsha:- Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmar’arke oo shirkan jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay martigelinta shirka caalami ah oo looga hadli doono dhameystirka Arrimaha Hiigsiga 2016-ka ee Soomaaliya, kaas oo 29-ka bishan ka dhici doona magaalada Muqdisho, Waxa uu intaa raaciyey in weerarrada Argagixisada ay ka geysteen Magaalada Muqdisho in aanan loo baajin doonin horumarka iyo Hore socodka Dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa yiri

“Falalka noocaan ee lala beegsanayo hotellada iyo xarumaha Ganacsiga ay yihiin kuwa lagu joojinayo horumarka dalka, waxaana Tacsi u dirayaa dhammaan dadkii wax ku noqday Qaraxii shalay ay argagixisada ka geysteen hotelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho”.


Dhinaca kale Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa digniin culus u diray kuwa ka dambeeya weerarrada argagixiso, waxa uu intaa raaciyey in argagixisad aysan ka carari Karin Awoodda Ciidamadda.

“dhawaan gacanta nabad-diidka laga saarayaa magaalooyin cusub, maadaama ay socdaan howlgallo baaxad leh, waxaana ugu dambeyntii ugu baaqayaa dhalinyarada ay nabad-diidku qaldeen in weli ay ka soo laaban karaan fikirka lagu marin-habaabiyey”. Ayuu markale Yiri Raiisulwasaare Cumar Cabdirashiid

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey ugu guuleysay in Magaalada Muqdisho ay ka dhacaan shirar caalami ah, waxaana ay weli dowladdu isu diyaarineysaa sidii ay u martigelin lahayd shirka looga Arrinsanayo qorshaha Dowladda Federaalka mudadan u hartay ay qaban doonto, kuwaas oo ay argagixisadu damcayaan in ay is hortaagaan iyagoo adeegsanaya weerarro argagixiso.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment