Bulsha:- Munaasabad lagu taageerayay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka dhacday gobolka OHIO ee dalka Mareykanka, halkaasi oo dadweyne badan ay ka qeyb galeen.
Waxgarad, Dhalinyaro iyo culumaa’udiinkii ka qeyb galay munaasabada ra’iisul wasaare hore Farmaajo ayaa amaan huwiyay Farmaajo oo ay shegeen in lagu xasuusto waxqabadkiisii muuqday intii uu hayay xilka ra’iisul wasaarenimo ee dalka.
Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, oo ka hadlay goobta xaflada ay ka dhaceysay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahays oo dhaweynta loo sameeyay uuna balanqaad sameynayo haddii uu ku guuleysto xilka madaxweynaha Soomaaliya sanadka 2016.
Wuxuu sheegay in inta ka sukeysa doorashadaasi uu sameyn doono kacdoon dadka looga dhaadhcinayo in dadka Soomaaliyeed ay dalka leeyihiin.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment