Bulsha:- Saacado kadib, doorashadii Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Dowlad goboleedka Galmudug ee maanta ka dhacday Cadaado, waxaa magaalada Garowe ka dhacay shir ay yeesheen hay’addaha amniga Puntland, kaasoo looga arinsanayay saameynta Galmudug ku yeelan karo Puntand.
Shirkan oo ka dhacay xarunta Wasaradda Amniga Puntland ee Garowe, ayaa waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Amniga Cabdi Xirsi Qarjab, Taliyaha Booliska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf, Taliyaha Booliska Nugaal Axmed Cabullaahi Samatar (Layli), Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamuud Qodhob iyo Duqa Garowe Axmed Siciid Shoode.
Muhiimada iyo qodobadii shirkan ayaa ahaa in Puntland ay feejignaan dheeri ah ka qabto xaaladda siyaasadeed ee gobollada dhexe iyo saameynta maamulkaasi ku yeelan karo amniga qeybta gobolka Mudug ee Puntland.
Xubnihii ka qeybgalay shirkan ayaa waxay isku raaceen in maamulka Puntland iyo shacabkeeda u midoobaan ilaalinta midnimadooda isla markaana meel uga soo wada jeestaan cid kasta oo wax-yeelayneyso jiritaanka Puntland.
Dastuurka Galmudug ayaa qodobadkiisa xuduuda ka hadlaya ayaa qoraya in xuduudiisa dhinaca Waqooyi ay ku eg tahay gobolka Nugaal, taasoo Puntland ka careysiisay.
Madaxweynaha la doortay maanta ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa khudbadii ugu horeysay ee uu jeediyay kula hadlay Puntland, isagoo ku baaqay in Puntland ay muujiso derisnimo wanaag, walaalnimo, wax wada qabsi iyo in wixii caro ah laga wada hadlo.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment