DAAWO: Nin toorri lala dhacay 15 jeer

Bulsha:- Dalka Lubnaan shacabka oo dhan ayaa ka hanfariirey muuqaal laga duubey nin shacab ah oo 15 mar uu nin kale toorri galiyey, illaa heer uu nafta kaga qaaday.

Ninka la diley ayaa lagu magacaabaa George al-Reef, waxaadna arki kartaa xaaskiis oo ninka falka geysanaya ka baryeysa in uu seeygeeda u badbaadiyo, balse uusan dheg jalaq u siineynin, mararka qaarkood uu iyada dharbaaxayo.

Waxaa ninka falka geystey lagu magacaabaa Dhaariq Yatiim, waxayna isku qabteen labo gaari oo ay kala wateen oo jug isa siiyey.

Dhamaan dadkii isku dayay in ay ka celiyaan ayaa ka quustey, waxaana la arkayay isaga oo meyd garaacaya ninka.

Wargeysyada Beyruut kasoo baxa waxa ay qorayaan in ninka falka geystey uu horey u geysteen falal kuwan oo kale ah, balse xabsiga laga soo siidaayay maadaamaa uu taageero ka heysto nin ganacsade caan ah.

Boqolaal qof oo arrintani ka mudaaharaadaya ayaa isugu soo baxay dariiqyada Beyruut, waxayna codsadeen in caddaalada la hor geeyo ninka falka geystey.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment