Daawo:- Madaxweyne Xasan oo Addis Ababa ugu qeybgalayo shir caalami

Bulsha:- Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacaayo ayaa gelinkii danbe maanta gaarey magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, halkaasoo uu kaga qeybgalayo shirweyne caalami ah oo looga hadli doono dhaqaalaha iyo maalgashiga, waxaana shirkan soo qaban qaabiyay Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Ethiopia iyo hawlwadeennada safaaradda Soomaaliya ee magaalada Addis Ababa.

Shirkan oo ay ka soo qeybgeli doonaan hoggaamiyeyaasha caalamka , hay’addaha dhaqaalaha sida bankiga adduuka iyo shirkaddo ganacsi, diirada lagu saari doono qaabka loo tayeyn karo maalgashiga ku baxa dhinaca horumarinta, iyo in laga hortago falalka canshuuraha lala goosto oo ay ku lumaan balaayiin dollar oo wax looga qaban karey yareynta fakhriga.

Waxaa kale oo shirkan caalamiga ah looga doodi doonaa horumarinta adeegyada canshuur uruurinta ee caalamka iyo xakameynta lacagaha sida sharcidarrada ah la isugu gudbiyo caalamka oo dhan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkan ka sokow waxaa kale oo uu ka qeybgeli doonaa shir sare oo gaar ah oo madaxda waddamada ku jira urur goboleedka IGAD ay kaga hadli doonaan nidaaminta iyo la socodka xawaaladaha.

Madaxweynaha oo socdaalkiisa ay ku wehliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamanka iyo mas’uuliyiin kale, ayaa sidoo kale la filayaa inuu khudbado ka jeediyo shirarkan.

Soomaaliya oo ah dal ka soo kabanaya dagaalo sokeeye, una baahan maalgashi iyo dib u dhis ayaa la filayaa in shirkan caalamiga ah ay kala soo noqoto natiijooyin wax ku ool ah.  







 _______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment