Saraakiisha laamaha amaanka oo shaaciyay war lagu farxo iyo Ciidamada oo talaabo lagu guuleystay sameeyay

Bulsha:- War goordhow kasoo baxay Hay’adaha amaanka Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada amaanka ay Caawa gacanta ku dhigeen gaarigii fuliyay dilka Xoghayihii Degmada Kaxda, Bille Baajuun.

Ciidamada oo Saakay ilaa Caawa ku howlanaa baadi goobka gaarigaasi ayaa waxaa suuragashay in Laamaha amaanka ay gacanta kusoo dhigeen gaarigaasi.

Gaarigaani ayaa waxaa Caawa gacanta ku dhigay Ciidamada Booliska Degmada Dharkiinley, waxaana goorta la qabanaayay la socday darawalka iyo ruux kamid ahaa dadkii dilkaasi fuliyay.

Gaariga iyo dhaawaca saarnaa oo ku dhuumanaayay isla degmada ayaa waxaa goordhow gacanta loo galshay Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka, si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.

Madaxa Ammaanka Degmada Kaxda, C/laahi Macalin oo goordhow mar kale la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa sheegay in gaarigaasi uu ahaa midkii loo adeegaday dilka Xoghayihii Kaxda, sida uu yiri.


Waa markii ugu horeysay oo laamaha amnigu ay gacanta ku soo dhigaan gaari weerar looga gaystay Magaalada Muqdisho, tan iyo markii la guda galay bishan barakaysan ee Ramadan.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment