DAAWO:- Daacish oo Haween iyo Caruur Ciidaya Ku Xasuuqday Ciraaq.

Bulsha:- Bam ayaa ku qarxay suuq dad badan ay ka adeeganayeen oo ku yaalla dalka Ciraaq.

Booliska iyo xarumaha caafimaadka waxa ay sheegayaan in qaraxa oo ismiidaamin ahaa ay suuragal tahay inay ku dhinteen dad ka badan boqol qof oo ay ka mid yihiin caruur iyo dumar.

Weerarka oo ka dhacay magaalada Khan Bani Sacad oo ku taala gobolka bariga ee Diyala, ayaa waxa uu dhacay xilli ay dadka u dabaal degayeen dhammaadka bisha barakeysan ee Ramadan.

Boolisha iyo cisbitaallada waxa ay sheegeen in awoodda qaraxa ay dumisay dhowr dhismo, welina maydad meesha laga soo saarayo.

Weerarkan ayaa ah kii ugu xumaa ee ay geysto ururka Daacish tan iyo markii uu la wareegay magaalooyin ku yaalla dalka Ciraaq oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamada dowladdu.



Saraakiisha caafiamadka ayaa sheegay in qaraxaasi uu ka dhacay suuq ku yaalla magaalaa Khan Bani Saad oo ay ku badan yihiin Muslimiinta Shiicada ah, kuwaasoo u dabbaal-dagayey munaasabadda Ciidda Fidrida

Dadka weerarkasi ku dhintay ayaa la sheegay in ay u badnaayeen haween iyo carruur.

Ururka Daacish ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaasi.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment