Bulsha:- Col. Xasan Abuukar Maxamed (Jaamici), oo ah Taliyaha Ururka 2-aad Guutada 3-aad ee Ciidamada Milatariga Soomaaliya, oo wareysi siinayay Idaacada ku hadasha Afka Doowlada Soomaaliya, ayaa sheegay in dagaalyahano Al-shabaab ka tirsan ay xalay weerar kusoo qaadeen saldhig ay ciidanka XDS ku leeyihiin deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha hoose.
Col. Jaamici ayaa sheegay in weerarkaasi ay ciidamadu si taxadar leh isaga difaaceen, islamarkaana ay ciidamadu dileen 32 ka mid ahaa maleeshiyaadkaasi.
Sidoo kale Taliyaha waxa uu sheegay in ciidamada XDS ay jab iyo qasaaro xoog leh u geeysteen Al-shabaabkii soo weeraray.
Dhanka kale taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in saldhigga Golweyn ay hore uga baxeen ciidanka AMISOM, balse ay ciidanka XDS buuxiyeen aaggaasi, islamarkaana ay fariisin adag ka sameeysteen, xaqiijiyeenna ammaanka deegaankaasi.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment