Bulsha:- Madaxweynaha maamul goboeledka Puntland ee Soomaaliya Cabdiweli Cali Gaas, oo dhowaan gaaray dalka Kenya, ayaa shalay la kulmay Wasiirada arrimaha dibedda Kenya Aamina Maxamed, waxaanna warar ku dhowdhow kulankaasi ay sheegayaan in Gaas uu dalbaday in lagu daro liiska shaqsiyaad ka qeybgalaya munaasabad ganacsiga Afrika looga hadlayo ee Nairobi oo la filayo in Obama khudbad ka jeedin doono.
Sida wararku sheegayaan Gaas ayaa Aamina weydiistay in xittaa haddii aysan suurta gal ahayn inuu kullanka kaalin muuqda ku yeesho, lagu daro dadka dhageysanaya khudbadah.
Cabdilweli Gaas ayaa lagu xusuustaa in socdaalkii u dambeeyey ee uu Kenya ku yimid Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka John Kerry u tegay Nairobi si uu ula kulmo, inkastoo aysan suurtagelin markii isla Wasiirada arrimaha dibedda Kenya ay ku wargelisay in caqabad sharci ah ay diideyso kulan ay yeeshaan Xoghaye arrimo dibedeed ka socda dal “Super power” ah & Madaxweyne maamul goboleed, wuxuuna Madaxweyne Cabdiweli Gaas u duulay Muqdisho isaga oo ka mid ahaa madaxdii maamul goboleedyada ee la kulmay Kerry, taasi oo uu suurta geliyey Xasan Sheekh.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment