Sir xasaasi ah: “Amisom way u sheegta Shabaab degmada ay weerari doonto” Waxaa yiri..

Bulsha:Iyadoo Alshabaab laga saaray degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa haddana qaar kamid ah dadka falanqeeya arimaha amaanka waxay sheegayaan ineysan waxba soo kordhin doonin qabashada degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Daa’uud Cismaan oo ah falanqeeye arimaha Soomaaliya oo la hadlay VOA ayaa sheegay in soo dhaweyn kadib qabashada degmada Baardheere aysan muhiim aheyn in ciidamada ay la wareegeen, maadaama ciidamada Alshabaab ay isaga baxeen iyagoo waxyeelo aysan gaarin.

Wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM aysan dhab ka aheyn gacan u dhigida degmooyinka Alshabaab ku sugan yihiin iyo in Alshabaab looga adkaado dhamaan dagaalada ka socda gobolada kala duwan ee dalka Soomaaliya.

Aqoonyahanka wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ay Alshabaab kusii wargeliyaan degmada ay ka qabsanayaan, taasina aysan suurtogal aheyn in Alshabaab looga adkaato, sababtoo ah buu yiri ciidamada iyo hubkooda iney kasii baxaan degmada la weerarayo.

“AMISOM dhab kama ahan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, sababtoo marka la doonayo in magaalo la qabsado waa lagu wargelinayaa Alshabaab oo maalmo dhan ayay xiisad taagnaaneysaa laakiin haddii iyagoo moog laga dul dagi lahaa wey dhiman lahaayeen Alshabaab”ayuu yiri aqoonyahanka.

Ka bixitaanka Alshabaab ee degmooyinka ayuu sheegay iney keeneyso iney markale weeraro kusoo qaadaan maadaama ciidamadooda dhan magaalooyinka ay isaga baxaan.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment