Ciidamada Ahlu-sunna oo Dhoolatus Militeri ku soo Bandhigay Magaalada Dhuusa-mareeb

Bulsha:- Waxaa maanta ay Ciidamada Ahlu-Sunnah oo la socday gawaarida dagaalka ee gaashaaman ay dhoolatus militari ku soo bandhigeen Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamadan ayaa waxay socod ku soo mareen Bartamaha Magaalada Dhuusamareeb, waxayna goortii danbe isugu yimaadeen Fagaaraha weyn ee Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Cusub ee bishaan lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, oo ka soo qaybgalay dhoolatuskaasi ayaa waxa uu ujeedadu uu ku sheegay in la xuso, xoogagii Ahlu Suna kaga geeriyooday dagaaladii ay Gobolka Galgaduud kula gashay Ururka Al Shabaab.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay Ahlu Sunnah ka go’an tahay in ay sii wado dagaalka ay kula jirto waxa uu ugu yeeray Khawaariijta, illaa iyo inta laga sifeynaayo Gobolkaasi Galgaduud.

Sheekh Maxamed Shaakir waxa uu guubaabiyay Ciidanka Ahlu Suna, oo uu ku ammaanay in ay markasta diyaar u yihiin inay difaacaan bulshada ku dhaqan Gobolada Dhexe.

Shacabka ku nool Xarunta Gobolka Galgaduud ee Magaalada Dhuusamareeb, ayaa u soo daawasho tagey dhoolatuskan Militeri ee lagu soo bandhigay Fagaaraha ku yaal gudaha Magaalada Dhuusa-mareeb







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment