Bulsha:- Ugu yaraan shan qof oo rayid ah, ayaa ku dhimatay hoteelka Wehliye, iyadoo 3 ka mid ah ragii hubaysnaa ee wararka soo qaadayna la sheegay in sidoo kale ay ciidamada amnigu toogteen.
Ciidamada amniga ayaa sheegay in ay soo afjareen dirirka ka socotay hoteelkan.
Balse waxaa wali rasaas goos goos ah laga maqlayaa hoteelka Siyaad oo aan ka fogayn madaxtooyada.
Wararka ayaa sheegay in wali ay koox hubaysan ka dhex dagaalamayaan hoteelka Siyaad.
Waxaa dagaalku ku bilowday baabuur lagu qarxiyay iridka hore ee labada hoteel kadibna ay rag hubaysan xoog ku galeen, iyagoo rasaas ridaya.
Xarakada al-Shabaab ayaa sheegatay inay weerarka ku qaadday labada hotel oo ku yaalla bartamaha magaalada Muqdisho.
Wararka qaar, waxay sheegayaa in ay hoteeladaas deganaayeen siyaasiyiin kala duwan.
Toban daqiiqo ka hor weerarka hoteelada, ayaa tiro hoobiyayaal ah lagu weeraray garoonka Istaadiya Muqdisho, oo ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom

Blogger Comment
Facebook Comment