XOG CUSUB oo kasoo baxday qaraxii Muqdisho ee shalay + Laamaha ammaanka oo si dadban…

Bulsha:- Afhayeenka Wasaaradda Amniga Somaliya, Maxamed Yuusuf Cismaan, ayaa sheegay laamaha ammaanku inay ka warqabeen gaari nooca raaxada ah, oo Arbacadii weerarka ismaadaaminta looga gaystay Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka, ayaa ku waramaaya gaarigaasi oo walxaha qarxa ay saaran yihiin in laamaha ammaanka, ay hayeen taarigadiisa, isla-markaana laga baadi-goobaayay wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Waxa kaloo uu sheegay iyadoo laamaha ammaanka ay ku daba jooggaan gaarigaasi baxsadka ah, inuu si khaldan ugu dhacay wadadii ay ku socdaalayen kolonyadii ay wateen Saraakiisha Emirate-ka Carabta u dhalatay, sidaana uu isugu qarxiyay, sida uu yiri.

Marka si kale loo dhigo hadalkiisa, bursadka laamaha ammaanka ee gaarigaas ayaa sababay qaraxii shalay.


Maxamed Yuusuf oo la hadlay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa xusay halka uu gaarigu ku qarxay inuu ka ag dhawaa suuq ay dadka isugu yimaadaan, dadkaana iyo kuwa kale oo la socday gaari BL ahaa, ay ku waxyeeloobeen qaraxa. Wuxuu nasiib daro ku sheegay waxyeelo ay Shabaabku u gaysteen dad rayid ah, xilli bisha Ramadan lagu guda jiro.

Wasaaradda Amniga Somaliya, ayaa marar badan sheegtay inay la socotay, oo ay ku daba joogtay gaadiid weeraro looga gaystay qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Dadka qaarkii, ayaa is weydiin kara, haddiiba laamaha ammaanka ay ka warqabaan gawaarida weerarada looga gaysanaayo Caasimadda, waxa ay kaga hortaggi la’yihiin.

Bishan Ramadan, ayaa waxaa mooddaa in mintidiinta Al Shabaab ay xoojiyen weerarada, ay ka gaysanayan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment