Xildhibaana Gaaraya 139 oo saxiixay mooshin xilka looga qaadayo Xasan (Villa Somalia oo waagu ku baryey)

Bulsha:- Xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya, ayaa saxiixay mooshin ay doonayaan in xilka looga qaado madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Caasimada Online ayaa ogaatay.

Mooshinkan oo si qarsoodi ah u socday maalmihii ugu dambeeyey, ayaa waxaa illaa iyo hadda saxiixay 139 xildhibaan, oo ka mid ah baarlamanka. Waxaa loo baahan yahay oo kaliya 90 si mooshinka loogu gudbiyo guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya.

Sida ku cad dastuurka, mooshin kasta oo madaxweynaha laga gudbiyaa waa inay taageeraan saddex meelood laba meel ama 184 xildhibaan, si madaxweynaha xilka looga qaado.

Xildhibaanada mooshinkan wada ayaa madaxweynaha ku eedeeyey saddex qodob oo kala ah.

1 – Inuu xaraash ku wado hantidii dowliga ahayd – Waxaa Muqdisho bilihii dhowaa ka socday iibinta guryaha danta guud, xarumaha dowliga ah sida iskuulada iyo dhulal banaan oo madaxweynaha iyo kooxdiisa ay xaraashayeen. Lacagta badankeed waxa ay ku shubanayeen banki, halka qaarna lagu maal-gelinayo doorashada Cabdikariim Guuleed ee gobollada dhexe.

2 – Mushahar la’aan shaqaalaha dowladda – Dhammaan shaqaalaha dowladda Soomaaliya ayaan mushahar qaadan afartii bil ee ugu dambeysay. Ayada oo ay taas jirto ayaa haddana waxaa dowladda soo galay lacag dhan 32 milyan oo dollar, saddexdii bil ee tagtay.

3 – Mushaharkii xidlhibaanada – Xildhibaanada ayaa ka cabanaya inaan wax lacag la siin saddex bil, xaqoodiina lagu shubayo doorashada gobollada dhexe ee Guuleed.

Inkasta oo ay adkaan doonto in 184 cod loo helo xil ka qaadista Xasan, haddana xildhibaanada waxa ay sheegayaan inay ku rajo weyn yihiin inay helaan codadkaas, si mooshinka loo dhaqaajiyo.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment