Xiisad ka taagan deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal oo ka dhashay Ciidamo ka gadooday Puntland

Bulsha:- Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland ayaa maalmo ka hor ka gadooday, iyadoo ciidamadaas u baxsaday deegaanka Eyl oo ka tirsan Gobolka Nugaal, waxaana la soo sheegayaa in ciidamada gadooday iyo ciidamo kale ay isku hor-fadhiyaan deegaankaas.

Xiisada ka dhalatay gadoodkan ciidamada ayaa si aad ah looga dareemay magaalada Garowe ee Caasimada Puntland iyo magaalooyinka kale, waxaana socda waan waan ay wadaan odayaal iyo waxgarad, si looga baaqsado dagaal.

Taliye kuxigeenka Ciidamada Booliska Puntland Muxiyadiin Axmed Muuse oo hogaaminaya ciidanka ka gadooday Puntland ayaa wareysi uu siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, waxaa uu ku sheegay sababtii ay u gadoodeen ay tahay xuquuq la’aan.

“Sababta aan uga gadoodnay waa xuquuq la’aan, waayo muddo ciidamadu wax mushaar ah ma aysan qaadan, waxaa marar badan dhacday in ciidamada qaarkood inay mushaar helaan, kuwana aan mushaar la siin taas ayaa keentay inaan gadoodno”ayuu yiri Muxiyaddiin Axmed Muuse


Mar la weydiiyay tirada ciidamada gadooday ayuu sheegay inay gaarayaan dhowr boqol, isagoo tilmaamay in markii ay ka baxeen Garowe dhibaatooyin loo geystay qoysaskooda, isla markaana markoodii hore ay ka soo gadoodeen deegaanka Galgala sida uu yiri.

Sidoo kale waxaa uu beeniyay in sababta gadoodka ay u sameeyeen inay tahay xil ka qaadis uu ku sameeyay Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas.

“Aniga dhowr bilood ka hor ayaa xilka la iga qaaday, xilkana waa la iska qaadi karaa, sababta aan u gadooday ma aysan aheyn xil ka qaadista, ee waa mid xuquuqda ciidamada la xiriirta”ayuu yiri Muxiyadiin Axmed Muuse.

Si kastaba ha ahaatee Maamulka Puntland ayaan wali ka hadlin gadoodka ay sameeyeen ciidamada, waxaana arrintan ku soo aadeysa, iyadoo dhowaan Madaxweynaha Puntland isku shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment