Diini oo ku hanjabay Guluf ka dhan ah Al-shabaab

Bulsha:- Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini,Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyey weerarkii argagaxisanimo ee maanta lagu qaaday kolonyo baabuur ah oo ay la socdeen saraakiil Imaaraadka ah oo tababara Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

Weerarkaasi fulaynimada ah oo ay ku dhinteen dad rayid ah iyo askar ka tirsan ciidanka Dawladda, ayaa Wasiirku ku tilmaamay mid naf la caari ah oo kooxaha UGUS ku laayeen dad muslimiin ah oo sooman.

Wasiir Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, waxa uu wacad ku maray in kooxaha argagaxisada ah ee falalka gurracan ka wada dalka laga qaadi doono tallaabo adag oo looga sifaynayo dalka, waxaana uu intaa ku daray in la bilaabi doono guluf iyo hawlgalo ballaaran oo lagu bartilmaameedsanayo meelaha kooxahaasi kaga harsan yihiin dalka Soomaaliya si aysan shacabka Soomaaliyeed iyo Dawladoodu mar kale dhibbane ugu noqon weerarada kooxahan qaba aragtida ciriiriga ah.

jen-diini-2Wasiir Diini oo booqasho ku tegay goobta uu qaraxu ka dhacay, ayaa ciidanka Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeedba uga tacsiyeeyey dadkii ku dhintay weerarkaasi, isagoo inta dhawaaca ahna u rajeeyey inay si degdeg ah u bogsoodaan. Wasiirka oo xaruntooda booqasho ugu tegay saraakiisha Imaaraadka ah ee lala damacsanaa weerarkan, ayaa sheegay in weeraradan oo kale aysan baqdin gelin doonin Dawladda Soomaaliya iyo dadalka walaalaha ah ee taageeraya dalka xilligan adag ee hiil iyo is barbartaag uu u baahan yahay.

Wasiir Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini oo weerarka ka hadlaya waxa uu yiri: “Maanta waxay kooxaha argagaxisadu weerareen kolonyo baabuur ah oo ay la socdeen saraakiil tababarayaal Imaaraad ah oo gacansiiya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya. Weerarkaasi lagama gaarin wax ujeeddo ah aan ka ahayn in meesha ay ku dhinteen askar geesiyaal ah oo Soomaaliyeed iyo shacabka goobta ka ag dhowaa”.

“Weerarada kooxaha sharka iyo argagaxisadu Soomaaliya iyo saaxiibadeeda ka weecinayaan tubta horumarka iyo dib-u-dhiska, waana laga guulaysan doonaa kooxahaasi xilliyada soo socda ee dhow, iyadoo dhowaan la bilaabi doono hawlgallo looga sifaynayo meelaha ay kaga harsan yihiin dalka. Kooxdan, waxay mar kale caddaysay in aysan ku abtirsan oo sal ku lahayn diinta Islaamka, waxayna bil Ramadaan oo dadku sooman yahay ay dalka ku daadinayaan dhiig dad Muslimiin ah oo Soomaan”.

“Tacsi ayaan u dirayaa ciidankii geesiyaasha ah ee ka tirsanaa Xoogga Dalka Soomaaliya ee weerarkaasi ku dhintay, waxaana sidoo kale tacsi u dirayaa intii shacab ahayd ee aan waxba galabsan ee ku dhintay weerarkaasi fulaynimada ah.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment