Daawo:- Wasiirka Gaashaandhiga oo Booqasho Ugu Tegay Saraakiishii Maanta la Weeraray

Bulsha:- Wasiirka Gaashaandhiga ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya General C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa gelinkii dambe ee maanta kormeeray Xarunta militeriga ee Xero Agoon, oo ay iminka degan yihiin Saraakiishii Emirate-ka Carabta, ee maanta lagu weeraray afaafka hore ee Isbitaalka Xooga dalka ee Degmada Hodan.

Wasiirka ayaa wuxuu Ururka Al Shabaab ku eedeeyey inay maanta weerareen kolonyo ay la socdeen Saraakiil Dowladda Emirate-ka ka tirsan, xilli uu sheegay inay Soomaaliya ka caawinayan tababarka Ciidamada Qalabka Sida.


Wasiirka Ayaa yiri. “Maanta waxay kooxaha argagaxisadu weerareen kolonyo baabuur ah oo ay la socdeen Saraakiil tababarayaal Imaaraati ah oo gacansiiya Ciidanka Xoogga Dalka. Weerarkaasi lagama gaarin wax ujeeddo ah aan ka ahayn in meesha ay ku dhinteen askar geesiyaal ah oo Soomaaliyeed iyo shacabka goobta ka ag dhawaa.”




_______________________


Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment