Madaxweyne Xasan Sheekh: ” Dowladda ma taageerri doonto maamul carqalad gelinaya amniga maamul kale oo dalka ka jira”

Bulsha:-  Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay dhismaha baarlamanka maamulka cusub ee loo sameynayo gobollada dhexe, kaas oo lagu dhaariyey magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Madaxweynaha waxaa kale oo uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhisan tahay dib u heshiisiin iyo nabadeyn, isla markaana aaney marnaba dowladda taageeri doonin maamul carqalad gelinaya amniga maamul kale oo dalka ka jira.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha baarlamankan cusub ay ka tarjumeyso horumarka laga sameynayo dhinaca hirgelinta nidaamka federaalka ee uu waddanku qaatey.

“Shacabka gobollada dhexe waa cusub ayaa u baryey, shaqo badan ayaana sugeysa. Dhismaha baarlamanka waa bilowga dhismaha maamul buuxa oo degaanadaasi ay yeeshaan mustaqbalka. Waxaan shacabka gobolladaasi u sheegayaa inay ka faa’ideystaan fursadda ay heystaan oo ah inay rabitaankooda ku soo doortaan cidda ay doonayaan inay hoggaamiso, iyadoo Dowladda Federaalkana ay diyaar u tahay in cid kasta oo la soo doortaa ay la shaqeyso’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugu dambeyntii,hadalka madaxweynaha waxuu ku soo aadaya xilli maamulka ka dhismaya gobollada dhexe dastuurkiisa uu dhigayo xadduuka uu la wadaagayo Puntland inuu yahay degmada Burtinle ee gobolka Nugaal,taaso lugu sheegay xad-gudub inay tahay.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment