Daawo Sawirada:- Sheekh Axmed Madoobe oo kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arimaha Dibadda Itoobiya

Bulsha:- Hogaamiyaha Maamulka Jubba Sheekh Axmed Maxamed Isaam(Axmed Madoobe) ayaa Magaalada Adis Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya waxa kulan gaar ah kula qaatay Wasiirka Arimaha Dibadda Itoobiya Dr.Tedros Adhanom .


Labada Masuul ayaa kulankooda kaga hadlay arimo dhoor ah oo ay kamid ahaayeen xariirka ka dhaxeeya labada Dhinac , waxa ayna isla garteen in la xoojiyo wada shaqeynta ka dhaceysa sidoo kale la iska kaashado dhinaca amaanka .

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in Sheekh Axmed Madoobe iyo Wasiirka Arimaha Dibadda Itoobiya Dr.Tedros Adhanom ay kawada hadleen xiisada Siyaasadeedee ka dhaxeeya Dowlada Federaalka iyo Maamulka Jubba.

Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya Dr.Tedros Adhanom ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jubba qaabka ay ku wadaan dhaqan gelinta heshiiskii Addis Ababa, waxa uuna kula dar daarmay xoojinta xariirka labada dhinac .

Dowlada Itoobiya ayaa samaeyn badan waxa ay ku leedahay Maamul Goboleedyada dalka ka jira, waxaana inta Badan Magaalada Adis Ababa looga yeeraa oo taga qaar kamid ah Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Dalka ka jira .











_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment