Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Puntland oo gaaray Sanaag,lana kulmay qaybaha Bulshada.

Bulsha:- Xildhibaano ka tirsan Golaha Baarlamanka Dawlada Puntland ayaa gaaray Gobolka Sanaag,kuwaas oo u kuurgalaya Xaalada guud ee Gobolka,xilli bartamaha bishan uu furmi doono Kalfadhiga Dastuuriga ah ee Golaha Wakiiladda Puntland.

Xildhibaanada gaaray Sanaag ayaa kala ah;Xildhibaan Abshir Siciid Saalax , Xildhibaan Axmed Cali Xaashi iyo Xildhibaan Ismaaciil Abtiile iyo Xildhibaan Axmed Xuseen Soomaali.

Mudanayaasha Baarlamanka ayaa waxaa Gobolka Sanaag kuso dhoweeyay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Ciyoon,waxayna kulamo la qaateen Maamulka Gobolka,Laamaha amniga iyo qayabaha kala duwan ee Bulshada.

Dadweynaha ayaa Xildhibaanada uga Xogwaramay xaaladda guud ee Gobolka,waxaana Xildhibaanadu ay Xogta dadweynaha dib ugu celinayaan Kalfadhiga Baarlamanka Puntland.

Inta kulanku uu socday ayaa dadweynuhu ay mahadcelin balaaran u jeediyeen Madaxweynaha Dawlada Puntland oo lagu amaanay sida ay uga go’an tahay dhismaha Wadada isku xirta Ceeldaahir iyo Ceerigaabo.

Xildhibaanada Puntland ayaa Safaro ku maraya Gobolada Puntland,kuwaas oo ay ugu kuurgalayaan xaaladda Bulshada.

Hoos Ka Daawo Sawirada;-









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment