Bulsha:- Xarunta dawladda hoose ee magaaladda Boosaaso ayaa maanta lagu qabtay kulan ballaan oo si weyn looga hadlay Xaaladda nabadgelyo iyo mida horumarineed ee magaaladda.
Kulankan ayaa ,waxaa ka qeybgalay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dawladda Puntland,maamulka gobolka ,kan degmada Boosaaso,waxgarad iyo bulshada Boosaaso.
Bossaso (14)Duqa magaaladda Boosaaso Maxamed Siciid Shabeelle ayaa bulshada u sheegay in looga baahanyahay iney ilaaliyaan Ammaanka guud ee magaaladda lana shaqeeyaan Ciidanka amniga.
Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhado) ayaa dhankiisa sheegay iney wax ka qabanayaan ammaanka magaaladda isla markaana ay isbadel ku sameyn doonaan cabashada sare u kaca biyaha iyo korantada.
Guddoomiyaha Nabadoonada gobolka Bari Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim
Xarago ayaa sheegay in Xaalada ammaanka magaalada yahay mid wanaagsan balse arrimo yaryar ay jiraan wax u dhimaya.
Xildhibaan Cabdicasiis Gacamey oo kamid ah Xildhibaano maalmahanba ku sugnaa Boosaaso ayaa sheegay in ay u yimaadeen Boosaaso tahay ogaanashaha Xaaladaha kala duwan ee bulshada.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom





Blogger Comment
Facebook Comment