BF Somalia oo wada qorsho uu kula bahoobayo Baarlamaanka Bariga Afrika

Bulsha:- Iyadoo ay DF Somalia ku taameyso xoojinta xiriirka BF Somalia uu la leeyahay waddamada Bariga Afrika, ayaa waxaa xoojinta arrintaasi kawada hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka waddamada Bariga Afrika, Mr Daniel F. Kidega.

Kulanka labada Mas’uul oo ahaa mid wakhti badan qaatay ayaa waxa uu kulankooda ka dhacay Magaalada Kampala ee xarunta dalka Ugandha, iyagoona labada mas’uul si toos ah uga wada hadleen wada-shaqeyn dhex-marta labada Baarlamaan.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay codsiga Xubbinimada Soomaaliya ay u dirtay ururka iskaashiga dalalka Bariga ee EAC, kaasoo aan wali wax go’aan ah laga gaarin, balse loo saaray guddi heer wasiirro ah oo kasoo baaran-dagaya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Prof. Jawaari ayaa xusay inay muhiim tahay in wadahadallada labada dhinac ay mar kasta furnaadaan ilaa inta Somalia ay Xubin buuxda ka noqonayso Baarlamanka iyo Ururka Is-kaashiga Bariga Afrika.


Jawaari waxa uu tilmaamay inay aad ula dhacsan yihiin inay xiriir la wadaagan Ururka bah-wadaagta Bariga Afrika oo ay ku midoowen dalalka Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda iyo Burundi, iyadoo Dhawaan ay Codsadeen Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan, kuwaasoo aanan wali loo ogolaan inay ka mid noqdaan.

Dowlada Somalia ayaa iminka haysata Fursado badan oo ururka EAC ay uga mid noqon karto, iyadoo sababta lagu sheegay amniga Somalia oo sidii hore ka soo hagaagaya, Waddamadana ay dadaal xooggan ku bixinayaa sidii Amniga guud ee Somalia loosoo celin lahaa.

Dhanka kale, Jawaari ayaa la filayaa in kulankiisa kala dhexeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka waddamada Bariga Afrika, Mr Daniel F. Kidega uu BF Somalia uga soo hoyin doono guulo waxtar u leh DF Somalia.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment