Xeerka Saxaafada oo maanta Baarlamanka la hor geeynayo

Bulsha:- Baarlamaanka Somalia ayaa maanta oo Arbaco ah waxa ay kulan ku leeyihiin aqalka Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, iyadoo la horgeyn doono Baarlamaanka Shuruucyo kala duwan.

Kulanka Baarlamaanka maanta ayaa Xildhibaanada waxaa la horgeyn doonaa sharciga Saxaafadda iyo sharciga Shaqaalaha Ajaanibta.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa sheegay in ugu horeyn Xildhibaanada loo akhrin doono sharciga Saxaafadda, kadibna loo gudbi doono sharciga Shaqaalaha Ajaanibta.


Sharciga Saxaafadda ayaa soo maray marxalado kala duwan oo la tashi iyo turxaan bixin ah, iyadoo la filaayo in ugu dambeyn Baarlamaanka Somalia Guddigiisa Warfaafinta ay sii tifaftiraan.


Wasiirka Warfaafinta Somalia Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo Wareysi siiyay Tv-ga Universal , ayaa sheegay in sharcigaan marxalado kala duwan uu soo maray, todobo sano ka horna uu isaga diyaariyay.

Sidoo kale Xildhibaanada waxa ay ka doodayaan sharciga Shaqaalaha Ajaanibta dalka ku sugan.

Ammaanka Xarunta Golaha shacabka ayaa si weyn loo adkeeyay oo ciidamo Booliis ah ayaa sugaya amniga.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment