Daawo:- DF iyo AMISOM oo qorshe u degay adkeynta amniga Muqdisho bisha Ramadaan

Bulsha:- Wasiirka Amniga Gudaha oo ay wehliyaan saraakiil uu ka mid yahay Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa maanta kulan la yeeshay Saraakiisha ciidamada Booliska Amisom, iyadoo ay labada dhinac ka hadleen sidii loo adkeyn lahaa amaanka caasimada Muqdisho, gaaar ahaan inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Kullankan ayaa looga hadlay sida ay ciidamada kala duwan ee Dowladda iyo kuwa Booliska Amisom isaga kaashan lahaayeen ka hortaga falalka amaan daro iyo in dadka Soomaaliyeed ay si nabad gelyo leh ku soomaan, kuna afuraan.

Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ayaa kulanka ka sheegay in labada dhinac looga baahan yahay iskaashi ay ka yeeshaan ka hortaga fal kasta oo dadka Soomaaliyeed ee maalintii dhan sooman lagu waxyeeleynayo.


Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa xusay in ciidamada Boliiska iyo kuwa AMISOM ee Boliiska ah in ay diyaariyeen qorshe ay iskula sugayaan xaqiijinta amniga islamarkaana ay rajeynayaan in dadka ay u suura galiyaan in si nabdoon ay gutaan waajibaadka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Al-Shabaab ayaa ku goodisay in ay kordhin doonto maalmaha lagu guda jiro bisha Ramadaan weerarada ay ka geysanayaan gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan caasimada Muqdisho iyo weliba dalka deriska ee Kenya










_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment