Bulsha:- Labo Askari oo ka tirsaneyd ciidamada xooga dalka Somalia, ayaa maanta lagu riday xukun dil ah, kadib markii lasoo hor istaajiyay maxkamada Darajada koowaad ee ciidamada xooga dalka Somalia.
Gaashaanle Xasan Cali Shuute, Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Somalia, oo xukunkan ku dhawaaqay ayaa sheegay in labadaan Askari lagu helay eedeymihii loo soo jeediyay.
Wuxuu sheegay in Xafiiska Xeer ilaalinta maxkamada ciidamada qalabka sida ay ku soo eedeyeen inay geysteen dilal, cadeymo maxkamada la horkeenay, kadibna ay ku cadaatay kiisaska lagu soo eedeeyay.
Labada Askari ee xukunka dilka ah lagu riday ayaa waxa ay kala yihiin Maxamed C/laahi Maxamed oo lagu eedeeyay inuu dilay Bashiir Cali Muuse oo ciidamada Dowladda ka tirsanaa.
Askariga labaad ayaa isagana waxaa lagu magacaabaa Ceydiid Faarax Sheekh Axmed Kadare , wuxuu ku eedeysnaa inuu dilay Marxuumiinta kala ah Farxaan C/qaadir Mire iyo Muuse Xujaale Garaad.
Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Somalia ayaa xukuno kala duwan ku rida ciidamada lagu eedeeyo inay geystaan dilalka.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom

Blogger Comment
Facebook Comment