Wasiirka Batroolka & Macdanta oo booqday dalka Maraykanka

Bulsha:-Wasiirka Batroolka & Macdanta, ayaa dhawaan booqday dalka Maraykanka.

Wasiirka waxa uu halkaas kula kulmay Wasaaradda Arimaha Dibadda iyaga oo ka hadlay fursadaha iyo caqabadaha dhanka shidaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Mudanaha waxa uu la kulmay Wasaaradda Ganacsiga, waxayna ka wada hadleen sida loo maamulo daqliga iyo sharuucda maalgashiga shidaalka.

Wasiirka waxa uu la kulmay Wasaaradda Arimaha Gudaha iyaga oo isla fiiriyay sida loo uruuriyo isla markaana loo qeybiyo daqliga ka soo xarooda shidaalka.



Wasiirka waxa uu yiri, “Dowlada Maraykanka waxay ka mid tahay dowladaha si fiican u maamulo shidaalka, waxaan doonaynaa in aan wax ka barano.

Shidaalka waxa uu noqon karaa habaar ama duco, iyada oo hadba ay ku xeran tahay sida loo maamulo. Waxaan doonaynaa Soomaaliya shidaalkeeda in uu noqdo mid dalka u horseeda horumar.”








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment