War Deg Deg:- Xeer Ilaaliyahai Guud ee dalka Masar oo u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray qarax bam

Bulsha:- Xeer Ilaaliyihii guud ee dalka Masar ayaa goor dhow u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray qarax lala eegtay gaari uu la socday magaalada Qaahira.

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Masar ayaa u sheegay Wakaalada Wararka ee AFP in Xeer Ilaaliyaha Hisham Barakat uu geeriyooday.

Weerar ayaa ka dhacay degmada Heliopolis ee Caasimada Qaahira, waxaana gaariga uu saarnaa Xeer Ilaaliyaha lala beegsaday gaari waxyaabaha qarxa ay ka buuxeen.

Xeer Ilaaliyaha ayaa dhowr jeer oo hore loo hanjabay in la dili doono, kadib markii uu xukumaay dad lagu soo eedeeyay inay falal argagixiso ka geysteen dalka.


Sidoo kale waxaa uu tan iyo sanadkii 2013 la sheegay inuu maxkamadeeyay kumanaan taageerayaasha Ururka Ikhwaanul Muslimiinka.

Barakat ayaa xilka Xeer Ilaaliyaha Guud loo magacaabay sanadkii 2013, xilligaasoo wax yar kadibna xukunka laga tuuray Madaxweynihii sida dimoqraadiga Maxamed Mursi, kaasoo haatan Maxkamad ay ku xukuntay dil.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay weerarka lagu qaaday Kolonyada uu watay Xeer Ilaaliyaha, waxaana wararka ku saabsan geeridiisa ay yihiin kuwo hada isa soo taraya.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment