Shabaab oo dishay 30 ka mida ciidanka Jubaland

Bulsha:- Waxay faah faahin ka baxaysaa dagaal culus oo Ciidamada Jubbaland iyo Ururka Al Shabaab xalay ku dhex maray Xaruntii Akadamiyadda Kismaayo, oo qiyaastii 9km u jirta Madaxtooyada Maamulka Jubbaland.

Weerarkan, ayaa waxaa lagu dilay 30 ka mid ah Ciidanka Maamulka Jubbaland, iyadoo afar ka mid ah ay Shabaabku nolosha ku qabteen, iyagoona saakay ku gowracay meel aan ka fogayn Akadamiyadda, xilli ay isaga baxeen.

Ciidamada Kenya ee Amisom ka tirsan iyo kuwa Jubbaland oo gaaray Xarunta la weeraray, ayaa waxay ka soo saareen meydadka askarta, waxaana loo qaaday Isbitaalka Kismaayo, si loogu diyaariyo aaskooda.

Shabaabka, ayaa inta aynaan ka tegin halkaasi waxay ka qaateen hub iyo rasaas ay lahaayen Ciidankii Jubbaland ee la weeraray. Waxaana la soo sheegayaa inay u baxeen dhinaca wadada aadda Yoontooy. Yoontooy 20km ayay u jirtaa Kismaayo.

Dadka ku nool xeendaabka Akadamiyadda, ayay waxyeelo kala duwani ka soo gaartay weerarkaasi. Dadka waxay rasaastu ugu tagtey guryahooda, wuxuuna dagaalku qabsaday, xilli ay hurdeen.

Wax badan lagama oga khasaaraha weerarkaasi ka soo gaaray dhinaca Ururka Al Shabaab, balse waxaa la ogyahay in dhimasho iyo dhaawacba uu weerarkaasi ka soo gaaray. Waxaana inta badan adkaata in la helo macluumaad la xiriira khasaaraha Shabaabka, ka soo gaara weerarada ay gaysanayan.

Ciidan xoogan oo ku sugnaa Akadamiyadda Kismaayo, ayaa waxaa Axadii shalay loo kaxeeyay Deegaanka Buulo Gaduud, oo qiyaastii 29km dhinaca waqooyi kaga toosan Magaalada Kismaayo, iyadoona looga tagey ilaa 100 askari, oo keliya.

Xarunta Akadamiyadda Kismaayo, ayaa waxaa lagu tababari jiray Ciidankii Militariga Ee Dowladdii Dhexe Somaliya, muddooyinkii ugu dambeysayna waxay saldhig u ahayd Ciidanka Jubbaland.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment