Daawo VIDEO:- Xeer ilaaliyihii Dowlada Masar oo Maanta Qarax lagu dilay

Bulsha:- Wararka ka imaanaya Dalka Masar ayaa sheegaya in maanta qarax lala eegtay xeer ilaaliyaha guud ee dalka Masar Hisham Barakat kaasoo dhaawac soo gaaray u dhintay.

Qarax Miino oo weyn ayaa lala eegtay gaari uu saarnaa xeer ilaaliyaha kaasoo si xun u burburey markii lala helay qaraxa.

Xeer ilaaliyaha maanta la dilay Hisham Barakat wuxuu xukuno dil ah ku xukumay rag badan oo ka tirsanaa Ururka Ikhwaanul Muslimiin iyo waliba rag loo heystay inay alqaacida ka tirsan yihiin.

Wararka ayaa tilmaamaya in Hisham Barakat dhowr mar la soo wacay looguna hanjabay in la dili doono ka hor weerarka maanta lagu dilay ,wuxuuna ugu danbeyn u dhintay qarax miino oo lala eegtay gaarigiisa.


Halkaan Hoose ka daawo







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment