Bulsha:- Ururka Talibaan ee ka dagaalama Dalka Afgahanistan ayaa goordhaw Weerar Ismiidaamin ah ku qaadey Xarunta Baarlamaanka ee Dalkaasi Afgaanistaan, waxaana xiliga la weerarayay Xarunta Baarlamaanka halkaasi ku sugnaa Xildhibaanada Baarlamaanka ee dalka Afgaanistaan.
Gaari Waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ugu horeyn lagu weeraray afaafka hore ee Xarunta Baarlamaanka, qaraxa kadib waxaa dhismaha gudaha u galay Dagaalyahano hubeesan oo rasaas ku bilaabay ciidamada ilaalinayay xaruntaasi.
Weerarkan lagu qaaday Xarunta Baarlamaanka Afgaanistaan ayaa dhacay xili uu halkaasi ku sugnaa Wasiirka Cusub ee Gaashaandhiga Dalkaasi oo maanta loo balansanaa in Baarlamaanka la hor keeno si ay u meelmariyaan wasiirkan.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment