Afhayeenkii Xukuumada Soomaaliya Ridwaan Xaaji oo Maanta Xilkii iska casilay

Bulsha:- Afhayeenkii xukuumadda Soomaaliya Mudane Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa maanta ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu u hayay xukuumadda Soomaaliya, isagoo is casilaadiisana ku sheegay in ay tahay arimo asaga u gaar ah.

Qoraal uu soo saaray Afhayeenkii Xukuumada ayaa waxaa uu ku sheegay in iscasilaadiisa uu u gudbiyay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, waxaana uu intaa ku daray in mahadcelin balaaran u jeediynaayo dhamaan madaxdii iyo howlwadeenadii uu la soo shaqeeyay mudadii labada sano aheyd.


Ridwaan ayaa sidoo kale waxuu qoraalkiisa ku tilmaamay in mudadii uu shaqeynaayay dalka horumaro waa weyn uu gaaray isla markaana caqabado badan ay jiraan aynu suurtal tahay haddii aan wax laga qaban in ay wiiqi karaan horumarada la gaaray.

Afhayeenkii xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa sidoo kale sheegay in u mar kasta uu diyaar u yahay in uu u shaqeeyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ridwaan ayaa yiri: Mudadii aan sida dhow ula shaqaynayey Xukuumadihii kala duwanaa ee ay Ra’iisul Wasaarayaasha ka ahaayeen Mudane Cabdi Faarax Shirdoon, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, waxaa jiray horumaro la taaban karo oo loo qaaday dhinaca wanaagsan. Dhinacyada uu dalku horumarka ka sameeyey waxaa ka mid ah siyaasadda, amniga, arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo maalgashiga.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment