Video :- Shariif Xasan oo luuqad uu kula hadlo ajaaniibta eber ka ah

Bulsha:- Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Somalia, Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa ku adag inuu dadka ajaaniibta ah marka uu la kulmo kula hadlo luuqad ay af-garan karaan hadey ahaan laheyd Luuqada Ingiriiska, Faransiiska ama Carabiga, waxayna taasi keentay in uu mar walbo garabkiisa midig fadhiyo Turjubaan u kala dhaxeeya qofka uu la hadlayo.

Shariif Xasan oo dhageysanaya Sarkaal Itoobiyaan ah


Mar uu Shariif Xasan booqday xerada ciidamada AMISOM ee Leego, oo Al-Shabaab weerartay kuna laabteen maalin kadib ayuu wuxuu la kulmay saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM, kuwaasi oo uu waayay luuqad uu kula hadlo, hase ahaatee Turjubaankiisa uu caawinayay.

Mar mid mid labada gacmood ku salaamayay saraakiisha AMISOM, ayaa salaantiisa waxay kusoo koobantay Thank You, waa mahadsan tihiin.










_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment