Daawo Sawirada:- Madaxweyne Xasan oo caddeeyay mowqifkiisa doorashada 2016

Bulsha:- Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyey in dowladdiisa ay ka go’an tahay in dalka ay doorasho ka dhacdo sannadka 2016, isla markaana la dardar-gelinayo hawlaha la xiriira fulinta barnaamijyada Hiigsiga 2016.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyey munaasabad uu afur xarunta madaxtooyada ugu sameeyay xubnaha Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ee PDB oo uu madaxweynaha ka tirsan yahay.

xasan-xisbi-3Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in lixdii tiir ee dowladdiisa ay balanqaaddey doorashada 2012 kadib ay wax badan ka qabsoomeen, wax kalena ay dhiman yihiin.

“Waxaa dowladda ay ku talaabsatey horumar dhinacyada la dagaalanka musuqmaasuqa, fidinta maamulka, maamul wanaagga iyo in dalka loo diyaariyo isbeddelo siyaasadeed oo ka dhaca 2016, kuwaas oo qeyb ka ah barnaamijka Hiigsiga 2016. Hawlo kale oo badan ayaa inoo harsan, maadaama uu dalku ka soo kabanayo colaado sokeeye, una baahan yahay dib u dhis’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha sheegay in baarlamanka uu dhowaan guda geli doono ka doodista sharciga asxaabta siyaasadda dalka, isla markaana dhammaan xisbiyada haatan jira oo PDP ay ka mid tahay ay raaci doonaan nidaamka dastuuriga ee diiwaan gelinta asxaabta siyaasadda marka sharci ahaan loo meel mariyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ku booriyay xubnaha Xisbiga PDP inay sii labanlaabaan hawlihii looga bartey ee ay bulshada ugu adeegayeen, sida caawinta dadka danyarta iyo hirgelinta mashaariicda horumarka.











_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment