Bulsha:- Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan sababta ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ay uga soo baxeen deegaanka Leego oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose.
Wararka ayaa sheegaya in sababta ciidanka Amisom ay dib uga baxeen deegaanka Leego ay tahay in ciidamadii Shabaabka ee qabsaday Xerada ciidanka Burundi subaxdii Jimcaha ay halkaasi ku aaseen miinooyin aad u badan.
Wasiirka Dalxiiska Maamulka Koonfur Galbeed Cumar Dheere oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sababta ciidanka Amisom iyo kuwa Dowladda ay dib uga soo baxeen deegaanka Leego ay tahay in miinooyin badan ay ku aasan yihiin halkaasi.Wuxuu sheegay in qaab xeeladeysan ay ciidamada uga soo baxeen, iminka ay socoto, dadaalo lagu doonaayo in dib loogu noqdo Deegaanka Leego, waxaa sidoo kale socota in halkaasi la geeyo ciidamada u tababaran miino Baarista si halkaasi miinooyinka looga saaro.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment