Bulsha:- Ciidamada Milateriga Dowladda Somalia iyo kuwa MISOM ayaa isaga baxeen laba saldhig oo ay lahaayeen Gobolka SH/hoose, kadib markii soo korortay cabsida ay ka qabaan weeraro kaga yimaada Al-Shabaab.
Labada fariisin ee ciidamada AMISOM iyo kuwa Milateriga isaga baxeen ayaa kala ah degaanka Toora-torow ee Gobolka Sh/hoose, oo xarun weyn u ahayd Alshabaab oo labo todobaad ka hor laga qabsaday.
amisomsom
Sidoo kale ciidamada Dowladda iyo AMISOM ayaa faarujiyay degaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo shalay ay dib ula wareegeen kadib dagaal ay Alshabaab ku qabsatay Jimcihii oo xasuuq u geysatay ciidamadii ku sugnaa ee AMISOM.
Ka bixidaanka xerooyinkan ayaa ka danbeysay cabsi laga qabo in mar kale soo weeraraan Al-Shabaab oo saldhigyadaasi ku soo dhowaaday, sida ay sheegeen dad ku sugan goobahaasi ay ka baxeen ciidamada.
Wasiirka Dalxiiska Maamulka Koonfur Galbeed Cumar Dheere ayaa warbaahinta u sheegay in sababta ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowladda ay dib uga soo baxeen deegaanka Leego ay tahay in miinooyin badan ay ku aasan yihiin halkaasi.
Wuxuu sheegay Wasiirkaan in aysan sii joogi karin ciidamada xerada Leego, ilaa laga saaro miinooyinka lana hubiyo.
Al-Shabaab ayaa tan iyo markii la guda galay bisha Ramadaan sii xoojiyay weerarada ay ku qaadayaan xerooyinka ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment